VIDEO:- Ma guursan karaa markuu ninkaygu dhinto kadib? Akhriso Sababta Su’aasha Ka Danbeyso.

Bulsha:-  Waxa shahiiday ninkaygii, hal sano kahor, Ilaahay haka aqbalee, waxaanan ahaa 21 jir, waxaanan leeyahay caruur, waxaana igu adkaatay xaaladayda dhaqaale, waxaana arrintayda sii culaysiyey xijaabka aan sito oo aanan shaqo ku helayn, waxaanan u darsaday odaygaygii marar badan, laakiin Ilaahay ayaan kaga ajar dalbayaa, waxaanan rajaynayaa inaan kula kulmo Janooyinka Ilaahay ee sareeya.

Ninkaygana aadbaan u jeclaa, umana malaynayo inaan diyaar u ahay inaan mar kale guursado, waxaanan ka cabsanayaa hadaan nin kale guursado in layga xarrimayo si aan ugula rafiiqo Jannada, waxaan kale oon ka cabsanayaa inaan kasoo baxaynin masuuliyada nin kale, sida khidmada guriga iwm. Waxaan filayaa inaanan diyaar u ahayn arrinkaas ee adinkana waamaxay aragtidiinu?



Jawaab:

Alxamdulilaah, ma garanaysaa inaad ku nooshahay xaaladii dareen ee hooyadii mu’miniinta ee Umu Salama (I.R.H), waxay u hijrootay dhulka Xabashida iyada iyo ninkeedii Abasalama, markaasay kusoo laabatay magaalada Makkah si ay ugu diyaargarowdo hijrada kale ee Madiina.

Run ahaantiina way hijrootay hal sano kadib, hase ahaate waxa la googooyey qoyskeedii, ninkeedii wuxuu ku suagayey Madiina, sidoo kale gabadh yar oo ay dhashayna waxa ka qaatay ehelkeedii, waxayna kala haadeen qalbigeedii. Ayaduna reerkooda ayey la joogtay ayadoo oohinteeda cabaysay maalin kasta (murugaysnayd), kadibna reerkoodii ayaa u dabcay oo usoo celiyey gabartii yarayd, hadana way usoo dabceen oo waxay u ogolaadeen inay u hijrooto odaygeedii. Waxayna ku safartay saxaraha dheer xilli duhur ah oo cadceedu kulushahay, balse Ilaahay ayaa cid u bixiyey.

Sheekadeedu maysan dhamaystirmin ee mudo laba sanadood kadib waxa qadarkii u yimid odaygeedii Abasalama oo ku geeriyooday dhaawac kasoo gaadhay dagaalkii Uxud. Halkaas kumaysan haysanin wax daryeela, iyada iyo ilmaheeda yar toona. Waxayna wayday odaygeedii oo ahaa saabiqiintii ugu khayrka badnaa, bal yaa lamid ahaa Abasalama, waa qoyskii ugu horeeyey ee usoo hijrooda xaga Rasuulka (scw).

Hase ahaatee Umu-salama waxay ku ducaysatay ducadii nabigu tilmaamay cidii ku ducaysata ducadan Ilaahay wuxuu musiibada ugu badalaa wax ka khayr badan:

( مَا مِنْ مُسْلِمٍ تُصِيبُهُ مُصِيبَةٌ ، فَيَقُولُ مَا أَمَرَهُ اللهُ: {إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ} [البقرة: 156]، اللهُمَّ أْجُرْنِي فِي مُصِيبَتِي، وَأَخْلِفْ لِي خَيْرًا مِنْهَا، إِلَّا أَخْلَفَ اللهُ لَهُ خَيْرًا مِنْهَ ) !! .

“Muslim majiro ay asiibto musiibo, oo dhaha wixii Ilaahay faray (Inaa lilaah wa inaa ilayhi raajicuun), Ilaahayow iga abaalmari musiibadaydan, iiguna badal wax ka khayrbadan, hadayba dhahaan wuxuu ALlah ugu badalaa wax ka khayr badan”

Umu-Salama waxay tidhi; “Ducadii ayaa akhristay, kolkaasbuu Ilaahay iigu badalay Rasuulkii Ilaahay (scw). Waxa usoo guri galay cid aanay waligeed kuba riyoonayn, waxa u yimid sayidkii Basharka, ragba kii ugu khayrbadnaa, iyo kii uu jeclaa Rabiga caalamiintu iyo sokeeyihiisii, waa Rasuulkii Allaah, bal maxaa ka bishaaro wanaagsan kadib markay murugsanayd.

Adiguna waa sidaas adoontii Ilaahayey, wali da’daadu way yartahay, noloshuna way adagtahay, waxaana aad u culus inaad xamisho dhibkeeda iyo qallafsanaanteeda, iyo kalinimadaadaba gaar ahaan adigoo ka cabanaya dhaqaale yari, sidoo kale waxa badan fitnooyinka iyo sharkii oo sii kordhaya.

Taladu waxay tahay inaad akhrido ducadaas, haduu kuusoo gole fadhiisto wiilna ha diidin, maxaase ka ogtahay inuu kaba khayrbadnaan doono odaygaagii, Ilaahay ha u naxariistee. Sidaasbaan kuu dardaarmaynaa, oon waliba kugu adkaynaynaa, maxaa yeelay waxaad u baahantahay say kugu caawiya daacada Ilaahay, sidoo kalena aad isku dhawrsataan, kaana kaalmeeya dhaqaalaha iyo korinta caruurta iyo tarbiyadoodaba.

Guurkuna xaaladada oo kale waa mid la adkeeyo, xitaa waajib ayuu noqon karaa, marka loo fiiriyo fitnooyinka dhacaya, ee ay adagtahay inuu qofku ka badbaado. Ee si dhakhso ah u guurso Adoontii Ilaahayey, kahor intaanu tareenku ku dhaafin, maalmuhuna idlaanin, oo ayna adkaanin inaad gudo wixii ku dhaafay. WallahuAclam.

Qalinkii Fanax fariid










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment