Bulsha:- Jerome Jarre oo ka mid ah dadka caanka ka ah baraha bulshada iyo ganacsade reer Faransiis oo kaalin muuqata ka qaatay deeq lacageed oo Soomaaliya, looga aruuriyay baraha bulshada, ololahaasi loogu magac daray “The Love Army for Somalia” ayaa tegay magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka si uu goob joog ugu ahaado gargaarkii lasoo gaarsiiyay Soomaaliya in la gaarsiiyo dadka abaareysan.
Xiddigaan baraha bulshada caanka ka ah ayaa la kulmay caruurta Soomaaliyeed iyo dad caan ah sida Abwaan Maxamed Ibrahim Wargame “Hadraawi” waxaana sawirrada iyo muuqaalada Jerome Jarre iyo caruurta Soomaaliyeed ka muuqda farxad, isagoo commentiyadii uu ka bixiyay qaarkood ku sheegay in Diinta Islaamka tahay nabad iyo erayo kale.
Magaalooyinka iyo gobolada uu booqda Jerome Jarre waxaa ka mid ah Muqdisho, magaalada Baydhabo iyo deegaano ka tirsan Somaliland sida Hargeysa oo uu kula kulmay Abwaan Hadraawi.Jarome Jarre iyo kooxda ololaha “The Love Army for Somalia” ayaa mudo kooban ku ururiyay lacag ku dhow 2.5 Milyan Doolar oo baad, biyo iyo raashinka nafaqeysan loogu iibiyay dadka abaaraha saameeyeen.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment