Bulsha:- lamaanaha shirkada Tollywood iska dhax doorteen ee Samantha Rubh Prabhu Iyo Naga Chaitanya ayaa lagu wadaa in sanadkaan guurkooda uu dhaci doono.
Atariishada quruxda badan Samanth iyo jilaaga Telugu lawada jacel yahay ee Naga Chaitanya ayaa faraanti isku galiya 29-kii janaayo ee sanadkaan bilawgiisa waana lamaanaha ugu caansan Telugu oo jaceylkooda banaanka keenay.
Haddana waxaa shaaca laga qaaday in labadaan lamaane uu guurkooda dhici doono sanadkaan gaar ahaan bisha October waxaaana warbaxintaa shaaca ka qaaday Samanth jaceylkeeda Naga Chaitanya. labadaan lamaane ayaan aroos weyn looga dhici magaalada Hyderabad.
Dhinaca kale Naga Chaitanya waxaa u diyaarsan filimka goos gooskiisa laga wada helay ee Rarandoi Veduka Chuddam oo director ka yahay Kalyan Krishna halka maal giliye uu ka yahay aabahiis Nagarjuna waxaana atariisho ka ah Rakul Preet Singh waxaa filimkaan la daawan 26 May oo ku beegan maalinta jimcaha.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment