Bulsha:- Atrishada caanka ah ee Priyanka Chopra ayaa qiratay in mid ka mida filimadii looso sharaxay inay matasho lagu bedeley atrishad kale sababtuna ay ahayd inay hawl kale xiligaas ku jirtay.
Priyanka oo wareysi siisay majalada Modern Luxury ayaa sheegtay in film ay rabtay inay jisho lagu bedeley gabadh kale madama oo ay iyadu barnaamij kale ay waday waqtigii filmkaas la duubayay iyadoo sheegtay inay midaas ka muruugotay sida fudud ee film soo saarayashu uga maarmi karaan qofka jilaaga ah.
Priyanka ayaa sheegtay sidoo kale ineyna is ogeyn yaraantedi inuu alle siiyay hiboda jilitaanka ilaa ay is tijaabisay oo ay ku guulaysatay waxayna tidhi “qofna muu ogeyn inaan jili karo ana isma ogeyn run ahaantii”.
Priyanka ayaa la filanaya in filmkeedi koowaad ee Hollywood ee BAYWATCH bishan May 25keeda soo bixi doono, filmkan oo ay ku wehelinayaan Dwayne Johnson iyo Zac Efron.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment