Bulsha:- Hanti dhowraha Guud Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ku gacan seydhay xil ka qaadis lagu sameeyay, kaddib kulan deg deg ah oo Xalay Golaha Wasiirada ku yeesheen Madaxtooyada, iyadoo Xil ka qaadistan ayaa daba socday dhacdadii lagu dilay Wasiir Cabaas, kaasoo Ilaalo la socotay Hanti dhowrka Guud ay ku toogteen agagaarka Madaxtooyada.
Dr. Nuur ayuu sheegay in Golaha Wasiirada Soomaaliya aysan xilka ka qaadi karin, awoodna aysan u laheyn arrintaasi, Wuxuuna Xusay inay xilka ka qaadi karaan Baarlamaanka Soomaaliya, wadadaasi hadii la soo marana uu aqbali doono xil ka qaadista.
Hanti-dhowrkii Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maalmahan inuu ka dhaxeeyay khilaaf, oo Sharciga uu ku Baalmaray, wuxuuna sheegay arrintaasi in uu uga faa’ideysanayay xil ka qaadistiisa.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment