MAXAA SABABA IN DUMARKA IYO RAGGA KACSI LA’AAN KU TIMAADO….OGOW ARIMAHAN AYAA SABAB U AH

Bulsha:- Dhibaatada kacsiga, oo inta badan loo yaqaan howlgabka kacsiga wuxuu ku yimaadaa 7– 20% nimanka da’ 35jirka ah.

Da’duna si kala duwan ayay ugu korortaa, sidaasi ayaa 7 ka mid ah 20kii nin ee 70 jir ahba ay la kulmaan heerar kala duwan ee cudurkani.

Dhibaatada howlgabka kacsigu inta badan waa dhibaato siyaabo kala duwan ku timaadaa.
Cudurkan waxaa ka mid ah oo kale ragga kacsada bilowga hordhaca wasmada, hase ahaate aan sii wadi karin kacsigii muddo ay ku galmoodaan.

Kacsigu wxuu ku bilowdaa isaga oo ku xidhan dareen kacsi, markii ay xididada yar yarka ah ee xubinta galmada ninka ay fiddo soona galaan qulqul dhiig ah xubintaasi.

Xubinta galmada ninka waa ay weynaataa, laakiin haddii ay xididada dhiiggu ay dhiigga ka saaraan xubintaasi, wayna soo ururtaa, markii ay xubintaasi kacdona waa ay weynaataa waana dheeraataa.

Cudurkan howlgabka kacsigu wuxuu ku yimaadaa iyada oo ay qulqulka dhiiggu soo gaarin ama uusan joogtoobin, ka dibna aad is aragto inaadan kacsan karin ama muddo yar kaliya kacsato.

Inta badan xaaladaha cudurkan waxaa sabab u ah cudurro jireedka waana la daaweyn karaa qofku haddii uu si dhakhso ah dhaqtarka ula xiriiro.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment