Bulsha:- Sida caadada ah qof waliba marka uu dareemo Gaajo daran waxa uu ku dhaqaaqaa wax waiba ee u sahli kara sidii uu ku heli lahaa cunno, Dhacdada maanta aan idin kugu soo bandhigeyno maqaalkan ayaa ah nin sameeyey arin la yaab leh kadib gaajo xun oo qabsatay.
Wargeysyada kasoo baxa Dallas ayaa daabacay in 24 sanno jir u dhashay dalka Mareykanka laguna magacaabo My Nguyen xabsiga la dhigay kadib markii uu xaday gaari aambalans ka ah (Ambulance) si uu ugu aado maqaayad ku taalay meel aan sidaas ugu fogeyn xaafadii uu daganaa mr Nguyen.
Nguyen gaariga Aambalaaska uu soo xaday waxaa laga lahaa Jaamacada Baylor sida lagu xusay maqaalkan waxa uuna ku aaday ninkan Maqaayad u dhaw Jack in the Box.
Sida laga baahiyey Tv ga Fox 4 Booliska dalkaas Mareykanka ayaa la wargeliyey abaare 3dii Subaxnimo (3:00 am) waxaana la helay 30 kadib waxaana la arkay iyada oo la dhigay meel u dhaw Jack in the Box.
Raxan saxafiyiin ah oo kusoo xoomay Booliska ayaa weydiiyey sababta uu ninkan u dhacay gaariga loogu adeego dadka dhaawacmo waxa uuna Nguyen ku jawaabay iney ku kaliftay gaajo.
Ninkan asalkiisa kasoo jeeda bariga fog ee qaarada Asia ayaanan la ogeyn waxa lagu ganaaxay, balse arintan ayaana noqoneysa mid aan inta badan ka dhicin dunidan iyada oo noqotay waxyaabaha fara ku tiriska ah ee ka dhaca dunidan la yaabka badan ee aynu ku noolnahay.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment