Kufsiga wadareedka gabdhaha yaryar loo geysanaayo oo kusoo badanayo Puntland

Bulsha:- Deegcanada Puntland ayaa bilihii u danbeeyay falal laga argagaxo ay ka dhacayeen oo lagu faraxumeynayay gabdhaha yaryar ee da’doodu u dhaxeyso 13 ilaa 18 jirka iyadoo falkii ugu danbeeyay uu ka dhacay degmada Burtinle.

Afar nin oo dadka deegaanka ah ayaa gabar 13 jir ah ku kufssaday degmada Burtinle, 26-kii bishii April, falkaasi ayaa la sheegay inuu ahaa mid aargoosi ah oo fal hore u daba socday oo isla degmada Burtinle ka dhacay.

Wasiirka  horumarinta haweenka  iyo arrimaha qoyska  Puntland, Animo C/qaadir ayaa sheegtay in falkaasi uu ahaa mid aad looga argagaxo, iyadoo xaqiijisay in raggii geystay falkaasi ay baxsadeen.

Wasiirada ayaa sheegtay in flake gabadhaan yar ee 13 jirka lagu kufsaday inuu daba socday fal hore, valse si hoose loo xaliyay, waxayna tilmaamtay in sharciga la horkeeni doono kuwii geystay.
Dhamaadkii sanadkii hore ayaa shan wiiil dhalinyaro ah ay deegaanka Goldogob kufsi wadareed ugu geysteen gabar yar, taasoo sawirro iyo muuqaalo ka qaadeen xiligii ay kufsanayeen, jirkeedana dhaawacyo u geysteen, waxayna ku baahiyeen baraha bulshada, dhalinyaradaasi oo markii danbe bishii janaayo xukun lagu ridday.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment