Bulsha:- Waxaa kasoo wareegatay 19-sano ka hor filimkii Duplicatee ee SRK iyo Juhi Chawla wada jileen, inkastoo filimkaan ganacsi ahaan guul dareestay hadana waxaa marwalbo lagu xasuusan doonaa bandhigii wacnaa oo ay SRK iyo Juhi shaashada ka muujiyeen.
Hadaba Juhi Chawla oo SRK la sameesay aflaan kala duwan Yess Boss, Raju Ban Gaya Gentleman, Ram Jaane iyo Darr hadana marnaba ma hilmaami karto filimka Duplicate.
Juhi Chawla ayaa saxaafada u sheegtay intii duubista filimka Duplicate socotay geeriyootay hooyadeed sidoo kalena hadii uusan SRK garab siin laheyn dhibaato dhanka nolosha iyo shaqada ay dhexda ka gali laheyd.
Juhi waxay tiri “Waxaan waayay hooyadeey intii aan Duplicate duubayay, waxaan gaarnay magaada Prague, waxaana halkaas tagnay maalin ay ku beegneyd dhalashdii Karan Johar aniga iyo hooyadeed hadiyad ayaan Karan siinay”
“Subaxii xigay ka hor inta aan shaqada aadin ayay hooyo iga hor baxday si ay socod usoo sameyso laakiin dib dambe ma aysan iigu soo laabanin”
“Waxay ahayd dhacdo xanuun badan kaliya sedex maalmood ayaan Prague joognay hadana inay hooyadeed shil baabuur ku dhimatay wax iiga naxdin badnaa ma jirin!”
“Waa nasiib daro midii ugu weyneed inaad hooyadeey dib ugu soo celiyay magaalada Mumbai ayadoo naxashka meedka ku jirto markii horena aan wada baxnay anagoo wada faraxsan!”
“Hadii uusan SRK i garab istaagi laheyn maanta heerkaan masoo gaareen waayo dhibaato badan ayuu ila qeebsaday siweyna wuu ii waaniyay”
“Waayo isaga horey ayuu xanuunkan usoo arkay madaama uu labadiisa waalid waayay, wuxuuna maalin walbo isku dayi jiray inuu iga qosol siiyo ina hilmaansiiyo geeridii hooyadeey”
Juhi oo hadalkeeda sii wadato waxay tiri “Waxan xaqiiqsaday sida kaliya ee aan nolosha ugu soo laaban karo inay tahay la shaqeynta SRK sidaa darteed dartiis ayaan farxad ku helay madaama kadib shaqooyiinkii aan la qabtay marwalbo iga qosolsiin jiray ina farxad galin jiray”
“Duplicate waa filim xasuus qaraar ii xambaarsan laakiin shaqsiga aan isla sameenay ayaa ah midka nolosha dib ii jecleysiiyay intaan noolaheyna abaal weyn u heyn doono”
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment