Bulsha:- Arin la yaab leh ,wiil Somaliyeed oo ku nool magaalada Oslo ee Norway ayaa arin la yaab leh waxa ay ka qabsatay ciwaankiisa WhatsApp ka dib farriin uu u waday qof saaxibkiisa ah ay si qaldan ugu dhacday qol ama Group ay ku jireen ehelkiisa iyo asxaab aad ugu dhaw
Wiilkan Somaliyeed oo naga codsaday in aan soo daabicin magaciisa ayaa doonayay in uu farriin u diro mid ka mid ah asxaabtiisa oo uu ugu yeerayay in ay wada casheeyan una yimaado xaafadiisa waxa ayna fariinta u qorneyd sida tan
” Salaan , sare cashada waa xageeyga iyo habeen dambe ,kullan wacan” balse waxa ay si qaldan fariintaas uu ugu diray Group-kii ay ku jireen ehelkiisa ugu dhaw oo ay horay qolkaas isaga war qaadan jireen
Waxa uu wiilkaas bulsha.com u sheegay in uu ka war helay tobanaan jawabood oo looga ogalaanayo casuumadaas balse wiilkaan Somalyeed ayaan is fashlin waxa uuna diyaariyay casho casumaad ah oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan dadkii fariintaas ay gaartay
Wilkaan Somaliyed waxa uu intaas raaciyay in ka dib cashadaas in asxaabtii ka soo qeyb gashay uu ku war giliyay sida wax u dhaceen .
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment