Hadduu ninku xaaskiisa u tago isagoon rabitaankeeda si wanaagsan u kicin ama isla markuu ka rito dhabarka u jeediyo, dhibaato xoog leh ayaa ka dhalata, natiijadii la filayey mid kadhan ah baana ka timaada, taasi oo ah inuu isagu biyabbaxo oo barbar u dhaco ayadoon kacsiba billaabin ama uu ku bargo’o ayadoon biyabbixin, sidaasina niyaddeeda iyo nafsaddeedu u dhaawacmaan.
Bal eega Aayadda Qur’aanka ah: (Waxay wanaag ku leeyihiin intaiyaga lagu leeyahay oo kale).
Culimada Qur’aanka fasirta qaar baa Aayaddaasi ku macneeyey:
(Ugu raaxeeya haweenkiinna sida aad adinkuba jeceshihiin inayidiinku raaxeeyaan). Haddaba waxa loo baahan yahay inay biyabbaxa ka dambayso hawl kale oo gunaanad ah, taasi oo ah uguyaraan salaaxid, iyo istiimin fudud.
Waxa loo baahan yahay inuusan ninku ka dul kicin xaaskiisa isla markauu biyabbaxo, balse uu sugo ilaa iyadu iga kac ka tiraahdo. Rag badan baa aaminsan in geedkoodu mar hadduu biyaha tuuro balaqna noqdo, aanu wax faa’iida ah u lahayn haweeneyda, kusii hayntiisuna aanay wax micne ah samaynaynin, isagoo mid kamid ah raggaasi uu ku doodo: (Oo maxay ku falaysaa
geed balaq ah?), xaqiiqduse taa ka fog.
Raaxada dumarka iyo biyabbaxoodu kuma koobna oo qura rabitaanka cambarkooda, balse waxa ay ku raaxaystaan isku nabnaanta jirka iyo isdhexgalka iyaga iyoraggooda. Waxa weliba taa kasii ahmiyad badan dareenkooda jacayl iyo dhab ugu jirka raggooda oo ku dhaliya raaxo maskaxeed iyo mid rabitaan, gaarsiisa heer gariir iyo biyabbax. Haddaba geedka oo intuu biyaha tuuro dabeeto damaa haweeneyda ugama dhigna
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment