Guurka Hal Xaas Ka Badan Oo Halis Caafimaad Leh (DARAASAD)

Bulsha:- 
Inaad guursato in ka badan hal xaas uma wanaagsana caafimaadkaaga sida ay ogaadeen seynisyahanada.

Ragga guursada in ka badan hal xaas ayuu afar jeer kordhaa xanuunka wadnaha sida laga soo xigtay baaris caafimaad.

Guursiga xaasaska badan ayaa looga dhaqmaa dalal badan oo ku yaal Africa, Bariga dhexe, bartamaha iyo koonfur bari Asia iyadoo xaaskasta ay deggan tahay guri u gooni ah.

Baaristan ayaa waxaa sameeyay Dr. Amin Daoulah oo ka tirsan isbitaalka boqor Faysal oo ku yaala Jiddah Sacduudiga, halkaasi oo ay sharci ka tahay guurka xaasaska.

Dhakhtarka ayaa baaris ku sameeyay 687 rag oo guursaday, wuxuuna ogaaday in kuwa qaba in ka badan hal xaas ay qatar ugu jiraan wadno xanuunka.

Dhibaatada ayaa ka timaada sidii ragga ay ugu filnaan lahaayeen xaaskasta xag dhaqaale iyo mid dareen.

Xigasho: BBC










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment