Bulsha:- Salaaxista haweeneydu, kuma koobna oo qura labada naas, balse waxa loo baahan yahay in la salaaxo meelo kale oo jirka kamid ah sida; labadeeda warqood, gudaha bowdooyinka, gumaarka, faruuryaha cambarka, iwm.
Waxaan muran ku jirin in haweeneyda ninkeeda ay jeceshahay uu labada cajar
dhexdooda kaga salaaxo mid kamid ah labadiisa gacmood, isaga oo isla markaasi tan kale kaga salaaxaya labadeeda naas, ay dareento istiin iyo raaxo labanlaab ah.
Kolka gacanta ninku ay soo maamusho naasaha iyo shafka xaaskiisa, waxay u degtaa dhinaca caloosha, iyada oo salaaxaysa rugta xuddunta, dabeetana u jiitamaysa dhanka cajarrada iyo gumaarka, halkaasi bayna in muddo ah ku
noqnoqotaa. Intaas dabadeed, kolka ay haweeneydu si wanaagsan istiinka u qaadato, labadeeda bawdo ayaa iskood u kala kaca, faruuryaha waaweyn ee
cambarkuna waa ay kala fogaadaan, qanjirradiisuna soo
daayaan dheecaan qooya cambarka
gudihiisa oo idil.
Dhuuqmadii iyo istiinkii xoogga badnaa xilligii galmadu, waxay isu rogayaan kuwo fudud oo saxansaxo leh aanna gaarsiisnayn heer ay mar kale kacsan karto. Isdhexgalkii xoogga ku dhisnaa waxa uu isu beddelayaa ishabsiin jilicsan oo keenta inay haweeneydu dareento in ninkeedu yahay gabbaadin aamin ah
oo ay dhaxanta iyo dhibaatada ka gasho. Halkaasi kolkay arrini marayso ayay madaxeeda shafka ama garabka ka saarataa, jiif iyo nasashana ku gunaanaddaa hawshii cuslayd ee ay qabatay
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment