Filimada Half Girlfriend Iyo Hindi Medium Lacagaha Ay Maalinta Kowaad Soo Xareeyeen

Bulsha:- Filimka Half Girlfriend oo ay hogaamiyaal ka yihiin Arjun Kapoor iyo Shraddha Kapoor ayaa maalinta kowaad ganacsi fiican sameeyay.

Sida shabakada Boxoffice India soo daabacday Half Girlfriend maalinta kowaad wuxuu keenay 10 Crore (Trade Figure) wuxuuna ganacsi fiican ka sameeyeen magaalooyinka fog fog halka magaalooyinka waa weyn  Mumbai, Delhi, Kolkata iyo Bangalore uu ganacsi dhex dhexaad ah ka sameeyay.

Half Girlfriend wuxuu noqday filimka 3-aad ee maalinta kowaad lacagaha ugu badan soo xareeyo ee Arjun Kapoor hogaamiye ka yahay waxaana ka lacag badan filimada Gunday iyo 2 States.

Half Girlfriend sidoo kale waa filimka 4-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo maalinta kowaad oo ay Shraddha Kapoor hogaamiye ka tahay waxaana ka lacag badan oo kaliya Ek Villain, ABCD 2 iyo Baaghi.

Sidoo kale Half Girlfriend waa filimka 5-aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyo maalinta kowaad waxaana ka lacag badan filimada Bahubali (Hindi), Raees, Jolly LLB 2 iyo Badrinath Ki Dulhania.

Filimka Half Girlfriend maalintiisa kowaad ganacsi wacan ayuu sameeyay waxaana laga rabaa maal maha sabtiga iyo axada inuu ganacsigiisa sare usii qaado kadibna guul wacan ayuu gaari karaa.

Filimka Hindi Medium ee Irfan Khan hogaamiyaha ka yahay isagana maalintiisa kowaad ganacsi liito ayuu sameeyay wuxuuna keenay 2.50 Crore (Trade Figure).
Hindi Medium waa inuu sare u kac ilaa 50% ah sameeyaa maalintiisa labaad si uu ganacsigiisa mid wacan u noqdo rajadiisa usii jirto.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment