DABEECADAHA AY RAGGU LASOO BAXAAN GUURKA KADIB.

Bulsha:-  Guurku waa shuraako nololeed oo dhex marta laba shakhsi oo ku qancay in ay nolol dheer iyo ubad wadaagi karaan. Qanaacadaas oo aynu odhan karno waxa ay ku timaaddaa xiise iyo jacayl labada qof isu qaadeen waxa ay asturtaa kala duwanaanshiyaha shakhsiyadda ee Aadamaha oo dhan Alle ku beeray iyo dabeecadaha labada qof kala wataan, waxaana kala duwanaanshiyahaas halkooda gala is-ixtiraam, kala xishood, jacayl kuwaas oo ka dhex abuura is-faham iyo badhaadhe.

Laakiin guurka kadib waxa ay dumar badani haddana arkaan is-beddel ku yimid dabeecaddii iyo hab-dhaqankii ninka, arrintan oo gabadhana ku abuurta diiqad iyo warwar ay ka qaaddo sida uu u sii jiri karo qoyska ay ninkan la wadaagtaa, marar badanna waxa uu waqti kaga lumaa in ay jawaab u raadiso sababta ninka beddeshay. Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadaha wararka ee Carabta waxa uu tilmaamayaa in baadhitaanno ay sameeyeen khubarada cilmiga bulshadu ay ku ogaadeen in ay jiraan sababo badan oo keena in dabeecadda iyo hab-dhaqanka ninku ay is-beddesho guurka kadib, koowada ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

– Dabeecad samays ah: Inta badan waxaa dhacda in xilliga isbarasho ee ay labada qof isku cusub yihiin mid kastaa uu la yimaaddo dabeecaddiisa ugu wanaagsan, shakhsiyaddiisa inta wanaagsanna soo horreysiiyo, laakiin waa hab-dhaqan samays ah iyo shakhsiyad iska keen-keen ah oo suurtogal ma’aha in ay waarto labada dhanba. Sida caadiga ah guurka kadib gabadha iyo ninkuba waxa ay la soo baxayaan shakhsiyaddooda dhabta ah, waayo saacadihii koobnaa ee sheekada loo wada joogayey ayaa ay meteli karayeen shakhsiyad aanay lahayn, mar haddii se waqtiga oo dhan ay wada qaadanayaan jilaaddu siima socon karto. Ninku waa uu u adkaysan karaa, laakiin gabadhu ma u adkaysan karto is beddelkaa ku yimi dabeecaddii ay la soo qabsatay ayaamihii sheekada iyo cusaybka.

Aamuska: Waxaa inta badan dhacda in lammaanuhu xilliga sheekada iyo haasaawaha ay ku jiraan ay aad u hadal badan yihiin waqtiyo badanna ku qaataan sheekooyin xiiso badan iyo kaftan, waxaa xilligaas hadalka ku sii badan ninka oo laga yaabo in uu leeyahay ujeedo ah in uu gabadha raalli geliyo si uu u soo jiito, laakiin guurka kadib ninku shaqadiisa ayaa uu ku foofaa oo hadal badan laguma arko, waxa ay khubarada cilmiga bulshadu aaminsan yihiin in isbeddelka nololeed ee ninka ku dhaca guurka kadib uu saamayn ku yeesho jiritaankiisa bayooligjiga ah, oo tusaale ahaan hadalkiisu uu yaraado, maskaxduna halkii haasaawaha ay ku buuxiso hawlo kale sida shaqada iyo ka fikirka mustaqbalka.

Masuuliyadaha badan ee ninka fuulay iyo shaqada ama guriga bannaankiisa oo uu ku soo daalaa waxa ay keentaa in uu hadalkiisu yaraado, laakiin maadaama oo ay gabadhu inta badna guriga u badan tahay iyadu waxa ay u xiise qabtaa in uu ka waramo maalintiisii iyo wixii uu bannaanka kula soo kulmay.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment