DAAWO SAWIRRO: Xiddigaha Barca Messi iyo Suarez oo qaabkii ugu macquulsanaa isku ilowsiiyey inuu CR7 soo afjaray rajadoodii La Liga, dumarka ayaana ku wehliyey?

Bulsha:- Labada xiddig ee kooxda Barcelona Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa qaabkii ugu macquulsanaa isku ilowsiiyey inuu xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo inta badan soo afjaray rajadoodii koobka horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkaan ka dib markii ay Los Blancos 4-1 uga adkaatay Celta Vigo.

Labadaan xiddig ayaa taageero u muujiyey xaasaskooda Antonella Roccuzzo oo u dhaxda Messi iyo Sofia Balbi oo ah xaaska Suarez kuwaasoo furtay goob lagu iibiyo qalabka faashiyoonka ah oo loogu magac daray Sarkany Store.

Real Madrid ayaa wajaheysa kooxda Malaga Axadaan, iyadoo kooxda tababare Zinedine Zidane ay guul ama hal dhibic u baahan tahay kulankaas si ay ugu guuleysato koobkeedii ugu horreeyey ee horyaalka La Liga tan iyo 2012kii.

Laakiin Messi iyo Suarez arrintaas maanka kuma aheyn iyagoo xaasaskooda Antonella Roccuzzo iyo Sofia Balbi ka caawiyey inay furtaan dukaankaan ay shirkada ku yihiin ee kobaha lagu iibiyo iyo qalabka kale ee faashiyoonka.
Kubadsameeyaha kooxda Chelsea Cesc Fabregas ayaa sidoo kale kula soo biiray xafladdaan furitaanka iyadoo naqshadeeyaha faashiyoonka ee caanka ka ah dalka Argentine ee lagu magacaabo Ricky Sarkany uu gacan weyn ka geystay furitaanka goobtaan ganacsi ee cusub.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment