DAAWO SAWIRRO: Dele Alli iyo jaceylkiisa Ruby Mae oo dalxiis ku tegay jasiiradda Ibiza, xiiso badanaa!

Bulsha:-  Dele Alli ayaa qaaday tallaabadii ugu macquulsaneyd ee uu ku iloobi karay guuldarradii kooxdiisa Tottenham Hotspur kasoo gaartay West Ham United taasoo soo afjartay hammigoodii horyaalka England Premier League.

Ninka loo arko kabtanka xigga ee xulka qaranka England iyo jaceylkiisa Ruby Mae oo ah gabar model ah oo 22 sanno jir ah ayaa waxay dalxiis u aadeen jasiiradda Ibiza ee dalka Spain.

Halkaan hoose ayaadna ka daawan kartaa Dele Alli iyo Ruby Mae oo laga soo qabtay sawirro xiiso leh. Labadooda ayaana dunida u muujinaya jaceylka ka dhexeeya, laakiin Ruby Mae waxay dooneysaa inay Alli ilowsiido guuldarradii EPL xilli ciyaareedkii labaad oo xiriir ah.
Balse gabadhaani hal sanno ayey ka weyn tahay Alli maadaama uu 21 sanno jir yahay, xilli ciyaareedkaan ayuuna wacdaro ka dhigay horyaalka England Premier League.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment