DAAWO: Askarigii ugu horeeyay ee Robot ah oo ku biiray Booliska Dubai

Bulsha:- Booliska Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah maanta u shaaciyay inuu ku soo biiray askarigii ugu horeeyay ee gacan-ku sameys (Robot) caqli leh.Robot-ka Booliska ah ayaa mid shaqadiisa si xirfad ku jirto u gudanaya isagoo gacan siin doona dadweynaha magaalada Dubai iyo dadka fara badan ee halkaasi u taga dalxiiska.

Askarigan Booliska ee Robot-ka ah ayaa salaan sharaf siiyay dadkii ku sugnaa xafladii lagu soo bandhigay oo uu ka mid ahaa taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Dubai.Sida aay qortay jariirada Khaliij ee dalka Imaaraadka, askarigan wuxuu awoodaa inuu qabto howlo ay ka mid yihiin aqoonsiga dembiilayaasha, ka hortagga dembiyada, wuxuuna gacan siin doonaa dadka ku sugan garoonka Dubai ee caalamiga ah.

Askarigan robot-ka ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee boolis ah oo dunida ka howlgala, waxaana uu soo jiitay baraha bulshada oo si weyn looga hadal hayo. 2030 ayaa la filayaa in Booliska Dubai 4 meelmood meel ay noqon doonaan robot-ka Booliska ee ku hadla luqadadah badan. 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment