Sonakshi Sinha Iyo Qaar Ka Mid Ah Heesaayaasha Bollywood-ka Oo Dagaal Dhanka Afka Ah Dhex Maraayo!

Bulsha:- Bisha May ee nagu soo fool leh horaanteeda waxaa gudaha Hindiya imaan doono sidoo kalena bandhig faneed ku qaban doono heesaaga reer Canana Justin Bieber.

Hadaba Justin Bieber bandhigiisa waxaa kala qayb qaadan doonto Sonakshi Sinha oo iyadana heeso caan ah goobta ka qaadi doonto.

Balse ruug cadaaga muusigiiste iyo heesaa isku ah Kailash Kher ayaa weerar ku qaaday qorshaha Sonakshi Sinha bandigaan looga qayb galinaayo wuxuuna yiri “Ma ahan fariin wanaagsan in Justin gudaha Hindiya imaado kadibna ay masraxa hees Sonakshi Sinha ka wada qaadaan”

“Waayo dadka daafaha caalamka ku nool waxay u maleenayaan in Sonakshi Sinha heesaa weyn gudaha Hindiya ka tahay, sidaa darteed waxay heli doontaa dalabyo ku aadan caalamka inay bandhigyo ku qabato, kadibna Sonakshi waxay ku dhihi doontaa ‘raali ahaada aniga jilaa ayaan ee heesaa ma ihi!”

Heesaaga dhalinta yar Armaan Malik ayaa taageeray hadalka kasoo yeeray Kailash Kher wuxuuna yiri “Jilaayaasha waa jilaayaa, heesaayaashana waa heesaayaal, fadlan masraxa noo baneeya hana nagu qabsanina makrafoonka, waa shaqadeena inaan heesno ee idinka shaqadiina ma ahan!”

Sonakshi Sinha ayaa ka aamusi weesay weerarka tooska ah ee lagu soo qaaday waxayna si toos ah ugu jawaab celisay Armaan Malik ayadoo ku tiri “Fanaanka ama jilaaga isku kalsoon kuwo kale ayuu dhiiri galiyaa si ay xirfadooda sare u qaadaa sidoo kalena riyooyinkooda u gaaraan”

“Fanka noocuu rabo ha ahaado ma ahan in la wiiqiyo awooda kuwa kale, ma ahan wax aan kaa filaayay habkii aan ku aqaanan markii aad shaqada wanaagsan qaban jirtay”
Armaan Malik ayaa sheegay inuusan Sonakshi Sinha si gaar ah wax kaga sheegin balse uu ka hadlay aragtidiisa ku aadan in gudaha Hindiya fanaaniinta aan la tixgalin lana qiimeyn balse jilaayaasha marwalbo la buun buuniyo mudnaana kowaadna la siiyo.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:



Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment