Soha Ali Khan Uur Ayay Leedahay Seygeeda Kunal Khemu Ayaa Arinkaan Shaaca Ka Qaaday

Bulsha:- Atooraha door walbo sameyn karo Kunal Khemu ayaa asigoo faraxsan si rasmi ah shaaca kaga qaaday in xaaskiisa Soha Ali Khan uur leedahay.

Aqriste Soha Ali Khan waa atirisho Bollywood-ka ka tirsan sidoo kalena waxay la dhalatay atooraha caanka ah Saif Ali Khan.

Soha Ali Khan iyo Kunal Khemu waxay is guursadeen 15-kii Janaayo 2015 waxayna haatan rajeenayaan in ubadkooda ugu horeeyo noloshooda kusoo biiro.

Kunal Khemu oo la hadlaayay shabakada Pinkvilla wuxuu yiri “Haa waa run Soha iyo aniga aadban u faraxsanahay inaan ku dhawaaqno in ubadkeena dhamaadka sanadkaan ifka kusoo biiri doono, waan duceesanahay waana idiin mahad celineynaa dhamaantiina hambalyada kala duwan oo aad inoo soo dirteen”

Waxaa la yaab ah in bil ka hor la isla dhex maraayay lamanaahan nolosha inay isku firaaqeen rabaan madaama Soha Ali Khan iyo Kunal la sheegay in qilaaf soo kala dhex galay.

Balse sheekadaas waxa kama jiraan ayay noqotay waxayna shabakada Filimside leedahay hambalyo Soha Ali Khan iyo seygeeda Kunal Khemu.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment