QUURSIGA QIIL MALOO HELAY?

Bulsha:- Soomaaliya waa Dhaqan Xun In Wiil ka soo jeeda Reeraha Dadka Tirada badan uu Guursado ama uu la haasaawo Gabar ka soo jeeda Dadka laga tirada badan yahay balse Waa dhaqan Xun oo dhamaan Dadka uusan ku qancin.

Marka laga soo tago Soomaaliya Dunidan oo dhan way ka jiraan dhaqamo lamid ah Kan Soomaalida ee ah liidida dadkasi laga tirada badan yahay waxayse Soomaalida intaasi ku dartaa in Wiilka ama gabadha Ku dhaqaaqda Ficilkasi in loo tiriyo qof dhintay ama laga saaro Reerkiisa,Ehelkiisa kale ama dhamaan Qabiilkii uu ka soo jeeday.

Diinta Islaamka meelna kagama jirto in Dadka Muslimiinta ay is faquuqan oo ay Ehelka gabadha ugu diidaan Reer ka soo doontay Gabadha ay dhaleen Sabab la xiriirta Qabyaalad iyo ineysan isku qalmin dhinaca Guurka.

Waa Dhaqan raagay oo aan lagu wada qancin lkn noqday Caado iyo wax ay dadkuba la qabsadeen hayeeshee waa wax aan loo bahneyn.

Ururo badan ayaa U dooda Xuquuqda Dadka Laga tirada badan yahay ee loo yaqaano (Minority People) oo aad looga faquuqo Dalal ay ku jirto Soomaaliya balse iyagga naftooda doorkooda ma muuqdo.

Dadkasi waxa ay Eex dhinaca Nolosha kala kulmaan Guurka,Caafimaadka ama Guud ahaan Nolosha ay ku nool yihiin oo mararka qaarba aan loo ogoleyn iyagga oo loo heysto dad liita oo aanba u qalmin Nolosha ay dadkan la nool yihiin.

Dhacdooyin Xanuun Badan ayay La soo Kulmeen Dadka Soomaalida ee laga tirada badan yahay taasna micnaheedu ma ahan in qofku ka quusto Nolosha ama uusanba ku qancin Reerka uu ka soo jeedo,Sababtoo ah Dadka Waa kuwa wada dhashay oo wada huwan Magaca Soomaaliya waxana ay sido kale wadagaan Diinta Islaamka oo ka reebeysa Qofkasta oo Muslim ah inuu faquuqo Walaalkiis kale ee Muslimka ah.

Kaliya ma ahan faquuqida dadkan ay la kulmaan kuwa ku kooban nolosha ay dadka la nool yihiin ama guurka waxayse dhibaato kale ay ku qabaan dhinaca Shaqadda oo aanba loo ogoleyn iney Helaan fursado shaqo oo u dhigma kuwa ay helaan dhalinyarada ka soo jeeda Dadka aan ahayn kuwa laga tirada badan yahay.

Waxa jira dad ka tirsan kuwa laga tirada badan yahay oo guursaday gabdho ka soo jeeda reeraha kale lkn guurka gabadha kuma helin,islaamnimo,tixgalin iyo IWL,balse waxa ay adeegsadeen lacag kaafin karta reerka gabadha ay ka guursadeen.

Qofka lacagta leh waa qof inta badan la tixgeliyo ,la saaxibeysto ama la soo dhaweeyo,hadii uu dhib dhacana loo yeerto,Soomaaliya ma arka aad joogtana dadka qaar waxa ay yiraahdaan ‘’Qofkii lacag leh ayaa Nasab ah’’.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment