Bulsha:- Cilmi baadhis cusub oo ay sameeyeen xeel dheerayaal Khubaro ah ayaa natiijaddii ka soo baxday lagu sheegay in Xidhiidhadda Jacayl ee dhex mara Dumarka sida aadka ah uga quruxdda badan iyo ragga in uu sida qaalibka ah ku danbeeyo guul daro.
Daraasaddan sahaminta ah oo ay dhawaan si wadajir ah u sameeyeen Saynisyahano ka kala socda Jaamacaddaha Sterling, Chester iyo Liverpool Universities, ayaa lagu bayaamiyay in inta badan Dumarka aadka u qurxooni aanay ku faro adaygin xidhiidhaddooda Jacaylka iyada oo ay is mahadinta iyo is qancinta quruxdoodu ay sahayato Jacaylka ay u qabaan Raggu, halka Ragga caadiga ah ee aan aadka u quruxdda badnayni ay intooda badani si dhab ah ugu daacad yihiin Jacayladda dhex mara dumarka aan aadka u qurxoonayn, taas oo keenta in uu Jacayl kaasi noqdo mid si fiican oo midho dhal ah muddo dheer u sii shaqeeya.
Warkan oo lagu daabacay Warsidaha lagu magacaabo Telegraph, ayay Khubaradda daraasaddan samaysay ku sheegeen in ay baadhitaano sahamin ah oo arrimahan la xidhiidha ay ku sameeyeen In ka badan Boqol lamaane oo isugu jira Rag iyo Dumar oo ay muuqaaladda quruxdooddu kala duwan tahay oo ay dhex mareen xidhiidho Jacayl oo kala duwani.
Cilmi baadhayaashu waxa ay sheegeen qaar ka mid ah Lamaanayaashan baadhitaanadan lagu sameeyay in xidhiidhadooda Jacaylku ay shaqaynayeen oo kaliya muddo ku siman Dhawr bilood, halka kuwo kalena ay xidhiidhada Jacaylkoodu shaqaynayeen muddo dheer oo sanado badan ah, balse waxay Khubaradu tibaaxeen in guusha iyo guul daradda ku timaada xidhiidhadda Jacaylku Inta badan ay ku xidhan tahay hadba sida uu yahay muuqaalka quruxdda Lamaanayaashu.
Mr Rob Burriss, oo ah madaxa Khubaradda daraasadan samaysay ayaa sheegay in Dumarka sida aadka ah u quruxda badani ay intooda badan sabab u noqdaan burburka ku yimaadda xidhiidhka Jacayladooda, waxaanu Khabiirku arrintan ku sababeeyay in Dumarka aadka u qurxoon ay quruxdoodu u been sheegto iyaga oo aaminsan in quruxdooda awgeed ay mar walba awood buuxdda u leeyihiin in marka ay doonaan ay iyagu xulan karaan doorashadda xidhiidhka Jacaylka ee Ragga.

Sidoo kale, natiijaddii laga soo saaray sahamintani waxay hoosta ka xariiqday oo ay kula talisay Dumarka aadka u quruxdda badan in aanay quruxdoodda u isticmaalin habdhaqan masuuliyad daro iyo amar ku taaglayn mano sheegasho ah oo ay ku dhaawacaan kalsoonida xidhiidhka Jacaylka raggooda, balse ay u adeegsadaan mid ay ku kasbadaan kabista iyo kobcinta qalbiga iyo farxadda Jacaylka lamaanayshoodda.
Dhinaca kale, Daraasado hore oo xidhiidh ah oo la sameeyay ayaa lagu sheegay in Dumarka aadka u quruxda badani ay saamayn taban oo dhinaca maskaxda iyo mooralka ah ay ku reebaan caafimaadka maskaxeed ee Ragga.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment