Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow u duulay Waddanka Turkiga, waxaana Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan golaha Wasiirrada iyo Xildhibaanno, waxaana halkaasi ay kula kulmi doonaan madax kala duwan oo ka tirsan dowladda Turkiga.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Madaxda labada dowladooda ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo iskaashiga, Sidoo kalana ay Heshiisyo wada gaadhi doonaan.
Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ah labo dowladood oo saaxiib ah waxaana Turkigu uu ka caawiyaa Soomaaliya dhinacyo badan, Iyadoo madaxwayne Erdogan oo Casuumad Rasmiya u fidiyey Madaxwayne Edogan.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment