Maxaad Ka Garaneysaa Farqiga U Dhaxeeyo Dookha Ragga Iyo Dumarka…

Bulsha:- A) Raggu waxey jecel yihiin in ay Dumarka ka helaan Seddex Dabeecadood.
1- Gabar Dhowrsan, misana Asturan.
2- Gabar Af gaaban weliba Xishood badan.
3- Gabar leh Dhaqan wanaagsan iyo Dabeecad Daggan .
B) Dumarkuna waxa ay ka Siman yihiin Ragga in ay ka helaan Sedddex dabeecadood.
1- Nin Naxariis badan, misana uga Taxaddira sida Gabadha uu isaga dhalay oo kale.

2- Nin Dulqaad badan oo hadii la is qabto noqda kii u Sabra Xaaskiisa.

3- Nin Xushmad badan oo Xaaskiisa u Qaddariya sida Hooyadiisa oo kale.

Hadaba Gabadhii Nasiib u yeelatay inuu Alle SW, ugu Deeqay Dabeecad iyo Dhaqan wanaagsan waxaad tahay Gabar uu Nin kastaa ku Fekero (Hamiyo) inuu helo, sidaa awgeed isku day in aad ilaashato oo aad ku Dhegenaato Dhaqankaaga iyo Dabeecadahaaga wanaagsan waayo Adiga ayaa ah Qofka keliya ay Cid kasta baadi goobka ugu jirto iney xariir la sameyso.

Sidoo kale Ragga uu Alle SW, ugu Deeqa Dhaqanka iyo Dabeecadaha wanaagsan, waxaad ogaataan Dumarka waxa ay ku Hamiyaan in ay helaan Nin adigoo kale ah ee isku day in aad Xajisato Dabeecadahaaga wanaagsan.

Waxaan Allaah SW, weydiisaneynaa Ragg iyo Dumarba inuu siiyo Dhaqan iyo Dabeecad wanaagsan, uuna u Fududeeyo Guurka.
Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment