Bulsha:- Xiisada u dhaxeysa dowladaha Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay sii xoogeesanayay, waxa ayna labada dowladood ay bilaabeen dagaal afka ah oo la isku dhaafsanayo dhinaca Warbaahinta.
Dowlada Shiinaha ayaa ka digtay dagaal ka dhax qarxa dowladaha Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka, waxa ayna Dowlada Shiinaha sheegtay in dagaal hadii uu dhaco aysan jirin cid ay dani ugu jirto.
Wasiirka arrimhaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in dowladiisa ayu ka digeyso dagaal ka dhax qarxa Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya , waxa uuna tilmaamay hadii dagaal dhaco in aysan cidna ku guuleysaneynin.
Hadalkan kasoo baxay dowlada Shiinaha ayaa yimid kadib markii ay korortay xiisada ka dhaxeysa Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, waxa ayna dowlada Mareykanka dhawaan Maraakiib dagaal u dirtay gacanka Kuuriya.
Kuuriyada Waqooyi ayaa dhankeeda kordhisay tijaabinta gantaalada culus ee xambaari kara nukliyeerka, waxaana tijaabada gantaaladan ay marar badan ka careesiisay dowlada Mareykanka iyo dowlaha kale ee Japan iyo Kuuruyada Koonfureed.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment