Ayaan Xirsi oo hanjabaado cusub darteed uga laabatay go’aan ay qaadatay

Bulsha:- Warbaahinta Caalamka ayaa baahisay warar sheegaya in Ayaan Xirsi, oo ah gabar Soomaali ah oo horey diinta Islaamka u aflagaadeysay ay joojisay socdaal ay ku gaari laheyd dalalka Australia iyo New Zealand.

Warbaahinta ayaa sheegeysa in Ayaan Xirsi ay socdaalkaasi u baajisay sababo la xiriira dhinaca ammaankeeda.

Warbaahinta ayaa hakatka socdaalka Ayaan Xirsi kasoo xigatay Tv-ga dalka Australia oo ay ka shaacisay inay joojisay socdaalkii ay ku gaari laheyd dalalka Australia iyo New Zealand.

Ayaan Xirsi ayaa sheegtay inay heshay macluumaad ku aadan in loo qorsheeyay falal amni darro oo lala maagan yahay, hayeeshee ay dib uga laabatay go’aankeedii ahaa Safarka dalalka Australia iyo New Zealand.

Sababta ugu weyn oo Ayaan Xirsi ay u joojisay socdaalkeeda ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro fariimo hanjabad ah oo loogu soo diray Emailka, Facebook iyo Telka gacanta oo ay heysato.

Sidoo kale, Ayaan Hirsi ayaa sanadadii lasoo dhaafay waxaa soo gaaraayay fariimo hanjabad ah oo loogu sheegaayo in la dili doono.
Geesta kale, Dowladaha Holland iyo Mareykanka ayaa horay u diiday inay bixiyaan dhaqaale gaar ah oo lagu ilaaliyo amniga Ayaan Xirsi.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment