Xariifnimo Nolosha oo aad u baahan tahay in aad ogaatid

Bulsha:-  Xariifnimo Nolosha oo aad u baahan tahay in aad ogaatid

1. Goortii aad safar galeyso haddii dhar wasaq ah aad Boorsada ku ridato waxaad la galisaa Saabuun aad baakada ka saartay. Waxay ka dhigeysaa caraf, marki la furo oo la baarayana lagama naxayo inuu ur ka soo boodo

2. Habka Marti-Soorka Maanta: Goortii marti guriga kuugu timaado, halki aad weydiin lahayd Biyo la cabo inaad siiso, hadaa weydiiso, Inay rabaan Mobile-ka inay charge-gareystaan una tilmaanto bareesada. Jiriirico ayaa ku jajabaysa. Intaa ka dib, halki aad weydiin lahayd hadey rabaan Shaah ama cabitaan qabow, hadaa weydiiso “Ma rabtaan Wi-Fi password Internet-ka” waxay martidi la qarxaneysaa farxad & ray-rayn

3. Haddii aad ku wareerto waxaad qof hadiyad uga dhigi lahayd waxaad ku dhahdaa "Ma garan kartaa ama qiyaas waxa aan hadiyad ahaan kuugu soo iibiyay?" Markaa iyaga ayaa kuu sheegaya waxa ay jecel yihiin, halkaa ayaana ka ogaaneysaa waxa ay rabaan

4. Goortii aad dareento in qof kugu dhaygagay ama si libiqsi la’aan kuu eegayo, Hamaanso, isla marki qofkaa wuu hamaansanayaa sidoo kale, markaa eeg iyagaa jeesanaya intay xishoodaan.
5. Hadaa rabto inaad Ilkahaaga deg-deg u cadeyso, qobka Mooska qeybta gudaha mari, ku xoq, ilkaha una daa mudo 2 daqiiqo ah ka dibna ka dhaq

6. Khad hadey dharka kaaga halowdo: “Dawada Cadayga mari meesha khada ku taal, ha ku qalasho, ka dib ka dhaq”

7. Jiir (Dooli) haday ku dhibaan: “Ku daadi filfil meesha ay ka soo baxaan ama aad ku aragto. Way cararayaan”

8. Haddii aad rabto in charger deg-deg kuugu buuxiyo battery-ga waxaad mobile-ka geysaa Airplane mode ama flight mode

9. Haddii aad tahay Arday jooji in aad isticmaalka Google.com si aad uga raadiso xog waxbarasho, isticmaal scholar.google.com waxaad horay ka helaysaa xogti aad raadineyso wax badan oo la xiriira

10. Haddii aad rabto in aad Jirka dhisato halki Gym & Biro qaadid aad energy iyo waqti ku lumin lahayd; hagaaji Gurigaaga sida Dhir waraabin & falid maalin kasta, Ranjiyeyn, dayactir dhisme, miis ama kursi sameyn, la ciyaarid caruurta, Xambaarid Xaaskaaga, wax waxtar ah ayaad sameynaysaa jirkaagana wuu dhismayaa

La Wadaag Asxaabtaada










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment