Wiilka Arooska Ahoow Bisha Malabka Gudaheeda Dhaqankaan iska ilaali

Bulsha:- Sheekadan waxay ka dhacday dhulka fog ee baadiyaha Somaliya waxaana arintaan ay dhexmartay nin reer miyi ahaa iyo gabar reer magaalo iska ahayd oo calafkeeda noqday in miyiga lagu guursado.

Muddo kooban ayey wada joogeen gabadha iyo Seygeeda waxaana caqabad ay noqotay qaabka wada noolaanshaha iyadoo khilaaf si khaldan loo tarjumayey uu soo kala dhex galay lamaanaha cusub ee bisha malabka ku jiray.

Waxaa khilaafka uu yimid markii la sheegay inay gabadha oo ahayd qof magaalo ka tagtay ay ninkeeda ay aad usoo jiidan jirtay cuntada la cuni jirtay, dhunkan jirtay iyadoo sidoo kale wax walbo oo kalgaceyl abuuraya usameyn jirtay

Ninkii waxa uu dulqaataba go’aan ayuu ku gaaray inay kala tagaan Xaaskiisa cusub isagoo kadib faah faahin ka bixiyey qaabka ay kula tageen oo gurigii la dhisay qoyska loo bur buriyey.

Inkastoo gabadha aysan ka xumaan jirin hadba waxa uu ka caroodo ninkeeda mar walbo waxay isku dayi jirtay inay wanaajiso waxaana markii dambe ay noqotgay in gabadhii ay raali ku noqoto in la furo.

Ninkii ayaa goob odayaashiisa iyo odayaasha gabadha ay wada fadhiyaan ka sheekeeyey qaabka ay ukala tageen xaaskiisa isagoo yiri seddex qodob ayaan ufuray xaaskeygii waxana ay kala yihiin Inay i tiraahdi Xabiibi (Macaan ayaa laga wadaa) sidii inan ahay naag oo Xabiibo la dhaho Inay Cuntada Ila cunto (Waligeey ma arkin naag cuntada ila cuneyso waana ay xishoodaan gabdhuhu) Iyo Tan ugu dambeyso oo ahayd inay i dhunkato (I shumiso) ma anigaa ah kitaab qur’aan markay i shumineyso.
Sheekada waxaa laga fahmi karaa in ismaan dhaaf uu ku bur buray qoyskaasi waxaana erayada Jaceylka abuuri kara uu ninka ufahmay inay xaaskiisii si kajan ah isaga ugu dureysay sidaana uu gurigii uu ku bur buray.


Hadaba yaa kula khaldan Ninka iyo Naagta,Yaase usabab ahaa inuu gurigaasi bur buro?











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment