Warbixin: Halkuu ku dambeeyey wiilkii ku caan baxay Farmaajo ii geeya

Bulsha:-  Cabdulaahi Cismaan Daanyeerow oo ku caan baxay ereyga “Ar Farmaajo ii Geeya” ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Daanyeerow wuxuu kasoo jeedaa qoys Danyar ah oo degen xaafad ku taala magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, wuxuuna ahaa ruux xoogiisa ku xamaasha oo reerkiisa biilka u dhiciya.

Wuxuu mar qudha noqday ruux caan ah habeenkii la doortay madaxweyne Farmaajo, isagoo si kaftan ahaa habeenkaasi ku dhahayay “Ar Farmaajo ii geeya, Ma ii geysiinoo” iyo erayo kale.

Wararka la xiriir xaaladiisa ayaa sheegaya in dhawaan la filayo inuu ka shaqo bilaabo madaxtooyada Soomaaliya, balse waxaa ka harsan inuu maro hanaanka shaqaaleysiinta.
Farmaajo ii Geeya ayaa sheegay in dhawaan uu filayo inuu shaqadaasi helo, haddana loo sameynayo ID uu kaga shaqeyn lahaa madaxtooyada Soomaaliya,  Wuxuu sidoo kale sheegay in rajadiisa ay tahay in xil sare loo magacaabo, laakiin ma lahan aqoon uu ku shaqeysan karo, sida uu sheegay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment