Waan Ka Xunahay: Ranbir Kapoor Iyo Alia Bhatt Filimkooda Dragon Dib Ayaa Loo Dhigay Shaqadiisa

Bulsha:- Director Ayan Mukerji filimkiisii ugu dambeeyay Yeh Jawaani Hai Deewani Blockbuster weyn ayuu noqday sanadii 2013 dhawaana wuxuu ku dhawaaqay filim cusub oo lagu magacaabo Dragon.

Hadaba filimkan loo dhiibay hogaankiisa Ranbir Kapoor iyo Alia Bhatt sidoo kalena Amitabh Bachchan door muhiim ah ku leeyahay ayaa la sheegay in duubistiisa dib u dhacday.

Dragon sanadkii hore in laga hawl galo ayay ahayd balse shaqadiisa dib ayay u dhacday haatana Ranbir Kapoor wuxuu ku mashquulsan yahay sameynta filimka nolosha Sanjay Dutt looga hadlaayo.

Director Ayan Mukerji ayaa laga soo xigtay in Dragon dib loo dhigay sidoo kalena uusan hubin xiliga filimkaan laga hawl gali doono.

Sababaha ugu weyn filimkaan u baaqanayo waxay tahay inuu u baahan yahay qarashaad xoogan madaam Ranbir Super Hero ku matalaayo waxaa loo baahan yahay aalada casriga ah VFX in qarash xoog leh lagu bixiyo hadana lacagahaas shirkad diyaar la ah lama haayo.

Waan ka xunahay filimka Dragon oo ay markii ugu horeesay Ranbir iyo Alia shaqo ku wadaagi lahaayeen inuusan sal dhiganin mashruuc ahaan.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment