Bulsha:- Turki Wadaniyiin ah oo aad u fara badan ayaa iskugu soo baxay gudaha dalka Germany gaar ahaan magaalada Oberhausen kuwaas oo soo dhaweenayay Raisul wasaaraha dalka Turkiga Mr.Binali Yildirim .
Shacabkaan Turkiga ah oo heeysta dhalashada labada dal ee Germany iyo Turkiga ayaa waxa ay wacad ku mareen inay u codeen doonaan Madaxweyne Erdogan maadaama doorashada dalka Turkiga ay dhici doonto 16-ka Bisha April ee fooda inagu soo heeysa .
Raisul wasaaraha dalka Turkiga Mr.Binali Yildirim oo ka tirsan xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee (AK) Party oo uu hogaamiyo Madaxweyne Erdogan ayaa waxaa lagu wadaa inay codod badan ku guuleeystaan doorashada la qaban doono ee dalka Turkiga .
Malaayiin Turki ah ayaa ku nool gudaha dalka Germany waxeeyna inta badan shacabkaan taageersan yihiin Madaxweyne Erdogan oo shacbiyad badan ku yeeshay Turkida ku nool gudaha iyo Dibadab
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment