Bulsha:- Sida ay xaqiijiyeen ciidamada nabadsugida Jubaland sawirkan waa Cabdiraxmaan Cabdillaahi Jical oo ku magac dheeraa Bashaal ahaana ninkii maanta keligiis ku qarxay agagaarka masjidka xaaji jaamac ee xaafada Faanoole ee magaalada Kismaayo.
Ninkan ayaa la sheegay inuu dawo ku iibin jiray suuqa Balcad ee magaalada Kismaayo.Nabadsugida waxay sheegtay in mudaba ay dabasocdeen ninkan oo kamid ahaa maleeshiyaadka Alshabaab.
Majirto cid kale oo wax ku noqotay qaraxan ,sidoo kale lama sheegin halka uu la maaganaa qaraxa fashilmay.
Ciidamada nabadsugida Jubaland ayaa la filayaa in maalinta beri ahaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan dhacdadan maanta ka dhacday magaalada Kismaayo.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment