Bulsha:- Is fahanka galmada ee labada lamaane ayaa ah asaaska guurka guuleysta , si loo gaaro ujeedkaasi waxaa muhiim ah in uu jiro xariir wanaagsan xiliga galmada iyo in si cad ah la isugu sheego waxa ay labada lamaane dareemayaan xiliga cayaarta socoto .
Waxa ayna tani keeneysaa in in labadaba ay gartaan waxa midka kale raaxo uu ka helayo isla markaana kaga boganayo illaa uu ka gaaro heerka gariirka galmada . Balse waxaa jira haween badan oo dareemaya xiliga cayaarta naxariista xanbaarsan socoto in aysan ninkooda kula xariiri karin hadal , inta badanna xishooda ama ka cabsada in ninkooda fikir qaldan ka qaato
Ragga ayaa dareema kacsi marka uu si saraaxad leh u ogaado waxa ay
lamaantiisa dooneyso , waxaana haweeneyda la gudboon in ay ogaato in ay xaq u
leedahay in ay ninkeeda u sheegto sida iyo habka ay raaxada ku heli karto si uu
ugu sameeyo .
Is fahanka sariirta oo la isu sheegto qofba sida uu macaanka galmada ku heli karo
ayaa keenta in labada lamaane dareemaan dharag galmo oo ay raali isaga yihiin
![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEjljA7Q0aJpI42k3DuF7Rya0tH3nSLBOWRoAM53JEzY4cKngKOQJMQofdEjdqerTg8MK3hTzcSBIJdssbFGGsy8cuWgBktd52fn81gP-fZpD3Jw9s2ll8spqhbjXvt4w8WEyHd2EzpFaAiX/s640/Somalia-Africa-FOTO-INSTAGRAMUGAASO-ABUKAR_LNCIMA20150412_0069_1.jpg)
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment