Bulsha:- Mada daaliyaha kowaad ee Telugu Industry (Tollywood) Mega Star Pawan Kalyan wuu soo laabtay waxaana Jimcadaan tiyaatarada loo saari doonaa filimkiisa la wada sugaayo Katamarayudu.
Hadaba waxaa lasoo bandhigay 5-arimood oo loo daawan doono Pawan Kalyan filimkiisa Katamarayudu oo kalsooni weyn lagu qabo inuu Boxoffice-ka Koonfur Hindiya gil gili doono:
Veeram remake: Aqriste hadii aadan la soconin Pawan Kalyan filimkiisa Katamarayudu sheeko ahaan waxaa laga soo min guuriyay filimka Tamil-ka ah Veeram ee Ajith Kumar iyo Tamannaah Bhatia sanadii 2014 sameeyeen wuxuuna ahaa filim siweyn i hirgalay.
Pawan Kalyan thara mass style: Inaba caadi ma ahan Pawan waa Super star u taagan inuu dadka caadiga ah mada daaliyo waana hubaal inuu filimkaas kusoo bandhigi doono xarakaad, Action iyo hadalo dadka dhan soo jiidan doono tiyaatarada Koonfir Hindiyana gil gili doono.
The popular duo: Pawan Kalyan-Shruti Haasan ma hilmaami karno bandhigii Classic ahaa oo ay Pawan iyo Shruti ka muujiyeen filimkii Gabbar Singh, waa hubaal in 5-sano kadib markale labadan jilaa bandhig cajiib badan la imaan doonaan.
Entertaining teaser: waaw goos gooskii yaraa ee horey looga soo bandhigay filimka Katamarayudu bishii Febraayo 4-teedii siweyn ayaa looga helay weliba 10-milyan oo qof ka badan ayaa barta Youtube-ka ka daawatay.
Biggest release in Tamil Nadu: Inkastoo filimkaan Telugu yahay hadana tiyaatarada ugu badan ayaa laga daawan doonaa dhul weynaha Tamil Nadu.
Waxaa la sheegay in filim weyn oo Tamil ah la daawan doonin Jimcadaan sidaa darteed Pawan Kalyan xarakaadkiisa ayay reer Tamil iyo Telugu ku raxaaseen doonaan.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO

Blogger Comment
Facebook Comment