Maxaa Ku Qasbayo Nimanka Qaarkood Inay Asbuucii 4 Jeer Galmo Sameeyaan, Qaarna Ay 7 Jeer Asbuucii Tuurtaan, Cilmiga Ayaa Kaaga Jawaabayo?

Bulsha:- Waxaa macquul ah haddii aad raacdo taladaan inaad la dagaalanto Kansarka, sidoo kalana qalbigaaga uu noqdo mid awood leh weliba sii raacso aad la dagaalanto duqnimada.

Nin Specialist ah oo u dhashay England kaasoo lagu magacaabo Matthew Barbour ayaa dhawaan wargeyska caanka ah ee England laga leeyahay The Sun u sheegay Liiska waxyaabo ku qasbayo Nimanka Inay Si Joogto ah u sameeyaan Galmada.


Haddaba Qodobada uu sheegay Ninkaan waxay u muuqdaan kuwa ah macquul, haddaba hoos ka aqriso kadibna fikirkaaga hoos noogu reeb weliba adiga haddii aad heyso fikrad kale ama daraasad kale  waxaan sameyn doonaa inaan tifaftirno kadibna aan la wadaagno Bulshada.



1) Yareynta Suurtagalnimada Dhimashada

Joogeynta Galmada ayaa macquul ah inay kaa saaciddo yareynta suurtagalnimada Dhimashada, daraasad ay sameysay jaamacadda Bristol oo ku taal England muddo 10 sano ah ayaa lagu ogaaday in Halista Dhimashada 50% ay ku yar tahay ragga Galmada joogteeyo kuwaas oo asbuucii sameeyo laba jeer ama in ka badan.

Daraasadaan ayaa sheegtay in galmada ay ragga ka caawineyso inay ka badbaadaan cuduro halis ah oo keeno dhimasho sida Cudurada Wadnaha iyo istarooga.

2) La Dagaalanka Duqnimada

Inaad sii ahaato dhallinyaro waxaa kaa caawin karto sariirtaada, Daraasad laga sameeyey Isbitaalka Edinburgh Royal hospital oo ku yaal Scotland ayaa lagu ogaaday in lamaanayaasha si joogto ah galmada ugu yaraan asbuucii 4 sameeyo inay u muuqdaan inay 7 Sano ka yar yihiin muuqaalka qofka caadiga ah ee qaangaarka ah.

Maamulaha Daraasadaan ahna dhaqtar ku taqasusay cudurada nafsaaniga iyo Neerfaha Dr. David  Wakis ayaa yiri: “Joogteynta galmada Waxay hormoonka Ku dhiiragelisaa Koriimada Jirka, sidoo kalana waxay jirka ka hor istaagtaa wasaqda iyo arrimo kale oo dhibaato ku ah jirka qofka isla markaasna waxay jirka u diidaa inay kasoo muuqdaan Laalaabyo ama duqnimo”.

3- La Dagaalanka Kansarka

baaritaan laga sameeyey Australia ayaa lagu ogaaday in nimanka 7 Mar Galmo sameeyo ugu yaraan asbuucii inta lagu jiro da,da labaatameeyada ay kaga halis yaryihiin ku dhicista kansarka qanjirada Sanadaha xigga ragga ay isku da,da yihiin ee asbuucii sameeyo 3 jeer oo kaliya.

Wuxuu aamisan yahay Macalinka Golaha Kansarka Victoria iyo soo saaraha daraasadaan Graham Giles in sameynta galmada badan ay qofka ka saacideyso inaysan jirkiisa ku abuurmin unugyada uu ka abuurmo kansarka qanjiraha, sidoo kalana wuxuu sheegay inay yaraaneyso fursado badan oo sababi lahaa inuu cudur ku dhaco.

4) Yareynta Xanuunada

Galmada badan ayaa yareyso xasaasiyadda aad ku dareemi karto xanuunada kala bar, waana sida ay qabto Daraasadaan lagu magacaabo Bulletin of Experimental Biology and Medicine.

Macalin wax ka dhigo University of the West Scotland – Paisley oo lagu magacaabo Stuart Brody ayaa yiri: ” Joogteynta Galmada waxay sarre u qaadaa heerka Endorphin, Waana meel dabiici ah oo xanuunka leeyahay kana soo baxdo jirka wuxuuna sarre u kacaa seddex meelood meel daqiiqado gudahood.

” Waxaa jiro sidoo kale xaqiiqooyin muujinayo in galmada badan ay ka hortagto waxyaabo badan sida cudurada Dhabarka, Xanuunka Kala goosyada iyo Xanuunka Migraine”  oo af soomaali noqonayo Dhanjaf waana Cudur ku dhaco primary headache disorder”
Isagoo hadalka sii wato ayuu yiri: ” Joogteynta Galmada way kaga yar tahay xagga awoodda Daawooyinka balse saameynteeda xagga ciribtirka xanuunka way kaga dhaqso badan tahay”

5) Ku Raaxeysiga Hurdo Macaan

Jirka ayaa soo saaro Maadooyin Kiimiko ah galmada kadib taasoo keeneyso Hurdo, inta lagu guda jiro galmada, jirka ayaa soo saaro hormoonka loo yaqaan Oxytocin taasoo si waxtar leh u saameeneyso Hurdada.

Daraasad ay sameysay jaamacadda Purdue University oo kutaal USA ayaa lagu ogaaday in 32% ragga joogtada ka dhigtay galmada seddexdii bil ee lasoo dhaafay ay heleen hurdo waxtar leh.

7)  Gabagabeynta Walwalka

Iyadoo la raacayo daraasadda ay sameysay Majaladda  Biological Psychology, Ragga laga sameeyey daraasadaan kuwaas oo habeenkii ka horreeyey maalinta daraasadda la sameeyey galmada ayaa kaga yaraaday walwalka kuwa aanan sameyn Galmada.

Stuart Brody  oo ah macalinka Maadada Cilmiga Galmada ka dhigo University of the West of Scotland (UWS) ayaa sheegay in galmada ay yareyso walwalka, kacsanaanta neerfaha iyo waxyaabo kale.

Intaasna waa ku eg Liiska waxyaabo ku qasbayo Nimanka Inay Si Joogto ah u sameeyaan Galmada oo uu sheegay Matthew Barbour.



F.G: Warbixintaan waxaan kasoo turjunay Wargeyska THE SUN – England










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment