Ma Tahay Nin Rag Ah Oo Ma Is Hubtaa? Kaliya Qodobadaan Samee!

Bulsha:- Waxa aan ka hadlayaa sida uu ninku ula dhaqmi lahaa reerkiisa. Waana sidan soo socota:
In aad reerkaaga ula dhaqmato si ay ku jirto raxmad iyo jaceyl.

In aad tahay reerkaaga mid had iyo jeer ka warhaya.

in aad ka caawiso reerkaaga shaqada guriga, marmarna aad qabto howsha guriga. Sida aad ogsoontahay waxa eey ku

dhisantahay wax walba isla qabasho.

Ha ka dheeraan reerkaaga oo mar walba lajoog. Maqnaanshaha aad ka u fara badan waxa uu keenaa dhibaato aan la soo koobi karin.

Haka careeysiin reerkaaga wax walba oo dhaca. Noqo kii ku wadan lahaa reerkiisa maskax iyo dulqaad.

Kala tasho xaaskaaga wax walba oo ku soo kordha guriga . Iyada beey kujirtaa horumarka iyo wanaagu.

Haka daahin reerkaaga marka aad ka soo baxdo shaqada, meel aad kunasato waxa ugu roon xaaskaaga iyo caruurtaada dhexdooda.

Isku qurxi xaaskaaga sida ay iyaduba Iskug kaa qurxineeyso.
Mar walba oo aad imaaneeyso xaafada u soo qaad xaaskaaga haadiyad ha weynaato ama ha yaraato,e. Waxa aad u soo iibiso, waxa ay ka turjumaysaa in aad ka fikirtay xaaskaaga.

Maha muhiim waxa aad soo qaadaysaa ee muhiimadu waa in aad ayada ka fikirtay.

Dareensii in aad iyada maahee aad qofkale jecleyn.

Ku beer nafsada gabadha aad qabto kalsooni badan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment