Bulsha:- Inta badan markii la sameenayo warqada casuumaada arooska hab qurux badan ayaa loo xardhaa waxaana Google laga baaraa jaantus qurux badan oo lagu saleesan karo habka casuumaada loo qoro.
Sidoo kale dunida waxay ka siman tahay in dadka han qurux badan loo casuumo ayadoo ereyo kooban oo sii jiidasho leh lagu qoro warqada casuumaada arooska.
Balse lamaane UK ku nool ayaa adeegsadeen xeelad ka duwan habka wax loo casuumo xili ay ka fikirayeen dadka arooskooda imaan karaan.
Sidaa darteed waxay diyaariyeen warqad casuumaad aroos ah oo hab cusub loo qoray badankooda waxaana warqadahaas inta badan lagu qoray “You Are Not Invited” oo loola jeedo laguma casuumin!!
Qof kasto oo ay warqada ku qoran tahay laguma casuumin wuxuu garwaaqsanaa in arooska lamaanahaas lagu casuumin si ay dadka isaga yareeyaan.
Waxay sameeyeen in warqadaha casuumada ay ku qoreen xiliga arooska, goobta uu ka dhacaayo marka uu qofka intaas aqristo waxaa loo raacsiiyay waa lagu casuumay imaaw iy laguma casuumin ha imaan kaliya waa lagu ogeysiinayay arooskeen!!!
Sidaa darteed qofkii warqada Invitation-ka lamaanaha Nancy iyo Matt gurigiisa ugu tago marka uu inta hore aqriyo waxaa raacsan labo qoraal midkood “Waa Lagu Casuumay Imaaw” iyo ‘Laguma Casuumin Ha Imaanin”
Nancy iyo Matt waxaa la weydiiyay sababta ay warqad casuumaad ugu dirayaan dadka aysan rabin inay arooskooda imaadaan waxayna sheegeen halkii ay ka xumaan lahaayeen inay si toos ah u ogeysiiyaan in arooskooda aysan u rabin dadkaas inay imaadaan.

Waxayna Nancy iyo Matt isku raaceen dadka oo laga aamuso oo aan warqad casuumaad la gaarsiinin ay ka wanaagsan tahay in warqad casuumaad ay gaarto dadka aadan rabin xitaa inay xaflada arooskaada imaadaan sidoo kalena aad qoraalka warqada ugu sheegtid inaysan imaanin arooskaada balse ay ogaadaan in arooskaaga xiligaas yahay.
Aqriste bal ka waran qorshaha ay Nancy iyo Matt adeegsadeen waana mid hadal heyn xoogan baraha bulshada UK ka dhex abuuray……
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment