Gabadheyda Weli Ma Helin Nin Qalmo Oo Ay Guursato” Sidaas Waxaa Tiri Priyanka Chopra Hooyadeed

Bulsha:- Atirishada caanka ah Priyanka Chopra nolosheeda gaarka ah inay dhawaan guursan doonto waxaa saxaafada kala hadashay hooyadeed lagu magacaabo Madhu Chopra.

Madhu Chopra waa hooyo aad ugu dhow Priyanka sidoo kalena meel walbo ula socdaasho hadii ay noqon laheyd xafladaha, abaal marinada, iyo goobaha Fashion-ka lagu qabto.

Madhu Chopra ayaa la weydiiyay xiliga ay gabadheeda PC guursan doonto waxayna ku jawaabtay “Gabadheyda weli ma helin aniga ma arkin qof u qalmo oo ay guursan laheyd xiligaan”

“Gabdhaha iyaga ayaa go’aanka noloshooda iyo dooqooda iska leh balse gabadheyda aadbay iigu dhow dahay waana ka warqabaa inaysan helin nin u qalmo oo la jaan qaadi karo nolosheeda”

“Dhawaanahan waxaan arkaa guur badan oo caan ah misana bur buray, waxaana ugu wacan in lamaanayaasha isku dul qaadanin sidoo kalena markii hore qof walbo wuxuu doortay qof ku habooneyn noloshiisa”
Dhinaca shaqada Priyanka Chopra waxay haatan ku mashquulsan tahay xayeysiin u sameynta filimkeeda Hollywood-ka ah Baywatch oo la daawan doono bartamaha bisha May 2017 ayadoo ku mataleyso door laadar ama xumaan ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment