Bulsha:- Rangoon wuxuu noqday filim bur buray oo Disaster ah madaama uu todobaadkiisa kowaad gudaha Hindiya kasoo xareeyay 19.25 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India shaaca ka qaaday ayadoo kasoo xigatay kooxda cajaladaha qeybiyaan iyo kuwa tiyaatarada iska leh.
Rangoon wuxuu ku biiray liiska filimada bur burka taariikhiga ah ku dhacay dhawaanahan sida Bombay Velvet, Broken Horses, Fitoor, Rock On 2 iyo Mirzya waana filim qab taariikhi ah ku dhacay kooxda iska leh.
Shahid Kapoor, Saif Ali Khan iyo Kangana Ranaut mashruucooda sidii loogu hami weynaa iyo sida uu noqday isma lahan waana niyad jab weyn oo ku habsaday hogaaamiyaasha filimkaan.
Rangoon cimri ahaantiisa 21 Crore xitaa ma gaari doono madaama todobaadkiisa labaad dhamaan tiyaatarada laga dajiyay kaliya hal ama labo tiyaatar oo magaalada waa weyn ayaa xiligaan laga daawanayaa.
Rangoon lacag ahaan wuxuu ka hooseen doonaa filimka Ok Jaanu oo sanadkaan soo xareeyay 21.32 Crore kaasi oo Flop noqday balse 27 Crore ayaa lagu qarash gareeyay halka Rangoon lacago 80 Crore gaarayo ay ku baxday!
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment