Dumarka Sacuudiga Oo La Siiyay Xorriyad Aanay Weligood Helin, Balse Lagu Xidhay Shuruudo Dunida Ka Yaabiyay

Bulsha:- Haweenka dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa weligood ahaa kuwo ay ka mamnuuc tahay in ay gaawaadhidooda shaqsiga ah kaxeysan karaan iyagoo darawal ah. 

Qaanuunka dalka Sacuudiga u yaalla ayaa xarrimay in ruux haweeneey ahi Gaadhiga shukaantiisa qaban karto, taasoo sababi jirtay in ay haweenka Sacuudigu kireystaan rag ajaanib ah oo darawalo u noqda, gaadhigana ku geeya meel walboo ay u baahdaan amaba ay marwalba ku tiirsanaadaan nin ka mid ah qoyska oo darawal u noqda xilligay u baahdaan. 

Si kastaba, cadaadis badan oo dalalka reer galbeedka iyo hay’adaha caalamiga ahi saareen boqorka Sacuudiga iyo hab maamulkiisa ayaa kallifey in qaanuunka haweenka ka mamnuucaya wedista gawaadhida iminka wax laga bedelo. 

Isbeddelkan ayaa dhawaan lagu dhawaaqay, waxaana la ogolaaday in haweenka ka weyn da’da 30 jirka ay si kaligood ah gaadhi dhex wadan karaan magaalada, balse shuruudo adag la raacinayo, kuwaasoo ay lama huraaan tahay in haweenku ilaaliyaan. Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka dhawaajisay in haweeneyda gaadhiga wadeysa laga doonayo in ay 30 sano ka weyn tahay, 
is qurxin karin xilliga ay gaadhi wadayso, magaalada banaankeeda ay qasab tahay in nin muxrim u ah uu la socdo, haddii gaadhigu ka cilladoobana ay gayso xarun dumarka u gaar ah oo haween ay ka shaqeeyaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment