Bulsha:- Dumarka qaarkood ayaa la ogaaday in ay xishood dartii aysan dhag jalaq u siin hanaan wanaaga wasmada ee sariirta dusheeda…..Nolosha Haboon ee Lamaanaha wadaagay guurka xalaasha ahi waxa ay ku wanaagsan tahay qanacsanaan dhan waliba haba ugu badnaato in Dumarka lagu qanciyo sheeko mug leh,labis heer sare ah, rajo gelin mustaqbal wanaagsan, iyo xaalada lagu tilmaamo dagaalka qabow ee ka dhaca sariirta dusheeda waana wasmada raaxada leh
Sariirta dusheeda nolosha lagu wadaago daraasad ayaa tilmaameysa in ay tahay gogoldhiga nolosha cusub
guurka sidoo kale waxa lagu tilmaamaab bandhig ay ku kulmaan labo jinsi oo lab iyo dhedig ah sida ku cad daraasad kale firaash wadaaga labada jinsi waxaa shukaanta u haya ragga walow ay daraasadu leedahay in dumarka leeyihiin sharaxaada iyo qurxinta ciyaarta oo door muhiim ku leh.
Dumarka qaarkii ayaa la ogaaday in ay xishood dartii aysan dhag jalaq u siin hanaan wanaaga galmada ee sariirta dusheeda, iyada oo ay ugu wacan tahay dhacdadaasi in ay u arkaan wax ceeb ah in laga hadlo ha yeeshee waxaa meesha ka baxa kaalinta ay ku leeyihiin ciyaarsiinta raggooda xalaasha ah.
Xishoodka oo astaan u ah haweenka soomaalida waa ifofaale muujineysa mid farxad gelineysa ragga soomaaliyeed waayo dumarka ugu xun waa tan aan xishoon oo aan ka sariigan waxyaabaha xunxun, laakiinse ragga ayaa waxaa la gudboon in ay xaasaskoodu furfuraan oo aysan xaajadu u noqon keligiis daneyste oo arrinku aanu noqon in dumarku yahay weel wax lagu shubto kaliya.Rag badan ayaa nacay galmada sababtana waa dumarkooda !
Waxaa jira haween badan oo laga cararo in lala sameeyo kulanka macaan ee naxariista taasina ay sabab u tahay arimo ka imaanaya xaageeda ee hadaba Allshukaansi taladaan ay ku siineyso qaado.
Arinta ugu horeeysa ee uu ninka neceb yahay isla markaana fashil ku keeneysa ciyaarta sariirta ayaa ah haweeneyda oo aan daryeelin nadaafada jirkeeda .
Xishoodka tirada badan ee laga bad badiyay waxa ayna taasi keenieysaa in ninka uusan awood u yeelan in uu taabto jirkeeda ama uu arko , waxa ayna ka yeeleysaa haweeneyda noocaan ah in ninka uu awood u yeelan waayo in u dhameystirto ciyaarta .
Marka haweeneyda ay muujiso in ay necbeysaneyso arimo odayga uu sameynayo xilliga ciyaarta.
Sidoo kale ninka waxa uu nacaa oo ciyaarta ka wasaqeysa in haweeneda ay muujiso cabsi ama in ay u dhawaato jirkiisa ama qeybo ka mid ah iyada oo uu ninkeeda ula mid yahay wax ku cusub oo lala yaabo Ninka ma jeclo haweeneyda aan hinsadaha ciyaarta wax ku soo darsaneyn oo xitaa hal mar xod xodasho sameyneyn ama u muujineyn odayga in ay u kulashahay caawa .
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment