Dood ka dhalatay habeenka arooska iyo bikro jabinta

Bulsha:- Dhaqaatiir ka tirsan cusbitaalada Sweden ayaa waxay kula taliyeen dumar ka soo jeedawadamada dhaqanka bikrada laga xushmeeyo in ay xirbad isku mudaan si ay ninkooda ugu muujiyaan in ay bikro tahay. Arintaan ayaa dood dhalisay iyadoo dhaqaatiirta lagu dhaliilay in ay taageerayaan dhaqan qaab daro ah.

Wadamo badan oo ka mid ah bariga dhexe iyo aasiya ayaa aad looga xushmeeyaa xuubka bikrada ee gabdhaha iyadoo raggu ay doonayaan in habeenka ugu horeeya ee galmadu dhacdo in gabadha dhiig ka yimaado, haddii aysan taasi dhicin ayaa sharaf dhac ku imaanayaa gabadha iyo reerkeeda.

Sanadihii dambe ayaa waxaa xitaa soo baxay dhaqaatiir qaliin ku sameysa dumarka kuwaasoo u saara xuub bikro. Arinta yaab ka leh ayaa ah in rag badan ay iska tuntaan oo iyaga aysan cidi ku xirin in ay bikro yihiin, halka ay doonayaan in ay guursadaan gabdho bikro ah oo keliya.

Hadaba sidee idinla tahay, ma wanaagsantahay ninku in uu bikro dalbado isaga oo aan laftiisa bikro ahayn?










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment