DHAMBAAL JACEL :Waxaan Dhashay Maalintii Aan Kula Kulmay Waxaan Dhintay Maalinti.!!SMS REAL LOVE

Bulsha:- Marka aan dhinto , waxaan u duulayaa cirka , waxaan xidig waliba ku qorayaa magacaada , sidaa darteed habeen waliba fiiri samada oo arag inta aan ku jeclahay(Jaceyl waali ah ayaan ku hayaa)

2-Aduunka kama jirto wax bilaash ah oo aan qarash aheyn oo uu ku jiro SMS-kaan aan hadda aan kuu soo dirayo , hadaba waxaan go`aan ku gaaray in aan kugu soo dalaco qiimo ku aadan SMS-keyga qiimahana waa Dhoola Cadeyntaada( Waan U Xiisay Dhoola Cadeyntaada Sixirka Ah)

3-Waxaan dhashay maalintii aan kula kulmay, waxaan noolaa intii aad i jecleyd , waxaan u dhintay si tartiib ah marki aad qalbiga iga jibisay( Qalbiga Ayaad Iga Jibisay)

4-Cilmi baaris ayaa cadeysay in Sonkorta ay milmeyso marka biyaha lagu shubo, Fadlan banaanka ha u bixin marka uu roobka da`ayo maxaa yeelay waxaad tahay macaanka aduunka

5-Marka la gaaro in aad qofka aad u hibeyso qalbigaada , iska xaqiiji in aad u hibeysay qof aan waligiisa dhaawaceyn qalbigaada maxaa yeelay ogaaw dhaawaca gaara qalbiyada malahan dawo iyo dayactir lagu sameeyo.

6-Waxaa laga doonayaa qeybta Police love(Booliska Jaceylka) waxaa laguu soo eedeeyay in aad xaday qalbigeyga , ogaaw kaliya waxaa kaliya laguugu sii deyn karaa damiin gaareysa 5000-oo shumis Ya salaam shumiskaagii macaanaaa ayaan u xiisay .Hadii aad talo iyo tusaale ama su,aal aad qabto fadlan kala soo xiriir ciwaankeena.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment