Daawo:- Yurub Geenyo iyo Nimcaan Hilaac oo laga saaray Xidigaha Geeska lagana Mamnuucay Hargeysa (Akhri Sababta)

Bulsha:- Kooxda Xidigaha ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxey ku sheegeen ineysan ka mid aheyn fanaaninta Yurub Geenyo iyo Nimcaan Hilaac ayna hada kadib ka tirsaneyn kooxda .

Warka oo warbaahinta Somaliland baahisay ayaa sidoo kale waxey sheegeen in ka bixitaankooda ay ka dambeysay kadib markii ay jabiyeen qawaaniin u dagsanaa kooxda .


Dhanka kale warbaahinta Somaliland ayaa tabisay in waaxda socdaalka aysan u ogolaan doonin Hargeysa iney soo galaan labadan fanaan.

Nimcaan iyo Geenyo ayaa waayadan ku sugnaa Muqdisho waxana ay qaadeen heeso iyagoo huwan calanka Soomaaliya iyo bandhig faneedyo taas oo loo aaneynayo ka saaridooda kooxda.

Yurub Geenyo ayaa dhawaan muuqaaladeeda baraha bulshada lagu baahiyey iyadoo ka qeybgalaysa munaasabadi caleema saarka madaxweyne Farmaajo









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment