Daawo:- Wasiirka Gaashaandhigga oo Maanta Kormeeray Xarunta Militeriga ee Turkiga uu ka Dhisayo Dalka Soomaaliya

Bulsha:-  Wasiirka Gaashaandhigga ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya General C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta booqday xarun cusub oo Dowladda Turkiga ay Magaalada Muqdisho uga dhiseyso Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo xaruntani uu dhismaheedu ka soconayo deegaanka Jazeera.

Kulyadani Cusub ayaa waxaa loogu talla-galay in qaab horumarsan loogu tababaro Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, waxayna tani qayb ka tahay taageerada ballaaran ee Turkigu uu siinayo Soomaaliya.

General C/qaadir Sheekh Cali Diini oo kormeer ku tagey xaruntan cusub ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Saraakiisha Turkiga ee gacanta ku haya dhismaha xaruntaasi.

Saraakiisha Turkiga iyo Wasiirka Gaashaandhiga ayaa si wada jira u soo kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay xaruntani, iyadoona Wasiirka loo sheegay in dhismuhu uu waqti dhow la soo gaba gabayn doono.
Wasiirka ayaa kormeerka kadib waxa uu Dowladda Turkiga kaga mahadceliyay sida hagar la’aanta leh ee ay dowladda Turkigu iyo shacabkeedu ay u garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment