Bulsha:- Sameeynta ciyaarta sariirta waxaa la ogaaday in midda la sameeyo aroortii ay leedahay faaidooyin badan. Baaritaano ayaa muujinaya in lamaanayaasha is weydaarsada dareemaha kalgaceyl aroorti in ay aad uga muuqaal qurxoon yihiin kuwa aan sameyn xiligaas , sidoo kale waxa ay helayaan timo caafimaadkooda wanaagsan yihiin iyo cidiyo qurxoon.
Xiliga aroortii ciyaarta la sameeyo ayaa jirka ka dhigeysa mid fir fircoon oo aan laheyn caaajis gaar ahaan iyadoo ragga sameeya aroortii ay shaqada aadayaan iyaga oo maqsuud oo uu nuur ka muuqanayo. Marka lagu jiro kulanka macaan ayuu jirka soo daayaa maadada kiimikada ah ee Estrogen taasi oo timaha iyo jirka ka yeelaya kuwo ifaya.
lamanayaasha sameeya ciyaarta sariirta ayuu jirkooda gubaa 300 oo tamar saacadii taasi oo ka dhalaneysa fir fircoonida iyo garaaca wadanaha halka uu hoos u dhaco cadaadiska dhiiga marka ciyaarta lagu jiro
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment