Astaamahan hadii aad aragtid waa lagu galay ee Iska gaar Qeybta 2-aad

Bulsha:- Qofka jecaylku biyo dhigaa kuma dhiirado in uu si caadi ah ula hadlo Lamaanaha uu jecel yahay, mar kasta oo uu la hadlana waxa uu dareemaa firka nax iyo Khajilaad saa’id ah kalgacal awgii.

12- Meel kasta, xilli kasta, iyo wax kasta oo uu qabanayo Qofka wax jeceli waxa qalbigiisa ka dhex guuxa lamaanaha Isaga/Iyada uu sida runta u jecel yahay.

13- Qofka sida dhabta ah wax u jeceli waxa uu bilaabaa dhegaysiga heesaha iyo miyuusiga dabacsan ee ay ku jiraan erreyada macnaha leh ee ku dhibca Qalbiga ee ku saabsan qiimaha, iyo xushmada Jacaylka.

14- Qofka sida dhabta ah wax u jeceli waxa uu mar kasta door bidaa in uu ka maqlo lamaanaha kale ee uu jecel yahay in uu ka badheedho jacaylka oo uu ku yidhaahdo waan ku jecelahay.

15- Hadii uu ku hayo Jacayl dhab ahi aragtida indhahaaga iyo qalbigaaga waxa aad ku lamaanaysaa Lamaanaha aad sida xaqiiqda ah u jeceshahay, mar walbana waxa aad jeclaataa ilaa xad ag joogiisa, muuqiisa, codkiisa iyo sheekadiisa Isaga/Iyada.

16- Uma quuro Qofka wax jeceli lamaanaha uu jecel yahay been, khiyaamo iyo quursi, guusha horumarka noloshiisana waxa uu arkaa isaga oo hanta ku guulaysiga kasbashada Jacaylka Lamaanaha uu Jecel yahay.

17- Qofka wax jeceli dhamaan astaamaha midabyada bilicdasan ee quruxda iyo udgoonka u ah Kownka sida Ubaxyada waxa uu ku taxaa Qoor gashi uu u hibeeyo in uu qoorta u sudho Luqunta Lamanaaha uu Jecel yahay.

18- Waxa uu jeclaadaa in makhluuqa dunida ku nool oo dhami ay la jeclaadaan lana amaanaan Lamaanaha uu jecel yahay,
19- Wakhtigiisa qaaliga ah iyo naftiisaba waxa uu u huraa Lamaanaha uu jecel yahay hadh iyo habeenba.

20- Jacaylka dhabta ahi Ma gaboobo, Ma Gamashiyo, Ma Gudho, Ma Gaagaxo, Ma Gabnoobo, Mana Guuro Abidkii, qofka wax jecelina kamana qanco yoolka jacaylkiisa wakhtigay doonto hala gaadhee, mana garawsado wax kasta oo xumaan ah oo lidi ku ah Lamaanaha uu jecel yahay ha yaraato ama ha badnaatee, xumaan kasta oo uu leeyahay lamaanaha uu jecel yahay waxa shiikhiya jacaylka baaxada leh ee uu hayo.

W/Q: Fanax Fariid










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment