Arrin argagax leh: Nin lagu la’aa nolol iyo geeri oo laga soo dhexsaaray caloosha Jabiso weyn (Sawirro)

Bulsha:- Warbaahinta Caalamka ayaa aad u hadal heysa dhacdo aan horay loo arag kadib markii Jabiso weyn ay Nolosha ku liqday nin dhalinyaro ahaa.

Dhacdadaani ayaa ka dhacday Jaziirad Sulawesi ee kutaala dalka Indonesia, waxaana la sheegay in ninkaasi maalin dhan lagu raadinaayay nolol iyo geeri.

Jabisada ayaa nolosha ku liqday Akbar Salubiro oo da’diisa lagu sheegay ilaa 25 jir, waxa ayna qoyskiisa sheegen inuu ugu war danbeeyay maalintii Axada aheyd, walow markii danbe lagu soo wargaliyay inay liqday Jabisi.

Dhirirka Jabisada ayaa lagu sheegay inuu ahaa 7-mitir, waxaana dadka kunool Jaziiradaasi layaab ku noqotay jabisada dishay ninkan dhalinyarada ah kadibna liqday.

Dadka deegaanka Jazeerada Sulawesi ayaa Booliska kuwargaliyay inay arkeen Jabiso aad u weyn, isla markaana ay uga shakisan yihiin inay liqday Akbar Salubiro oo nolol iyo geeri lagu la’aa.
Booliska ayaa Jabisada dilay waxaana la xaqiijiyay inay kasoo dhexsaaren Meydka Akbar Salubiro.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment