App cusub oo qaxootiga u sahlaya dhexgalka bulshadda

Bulsha:- Degmadda Järfälla ayaa ugu horreeysa degmooyinka waddanka halka laga isticmaalo appka magaciisu yahay ”Saaxiibka Järfalla, af-iswiidhish ”Järfälla kompis”. Kan ayaa loogu talo galay in uu qaxootiga waddanka ku cusub caawiyo.

-Anaga waxaa noo muhiim ah in uu qof kasta goorta u rabo jawaabo u helo su´aalaha u markaas leeyahay, saacad kasta. Halkii ay xafiis fadhiisan lahaayeen oo jawaabta sugi lahaayeen islamarkiiba jawaabtaas wuxuu ka helaya app-kan cusub. Sidaas ayuu sheegay Alexander Rajsic oo ka hawlgala degmadan.

Wuxuu ku soo baxaa iswiidhish, soomaali, ingiriis, carabi, dari iyo espanyool. Halkaas ayey dadka waddanka ku cusubi maclumaadka ay u baahan yihiin ka heli karaan. Tusaalahan sida shaqo, hooy, mucaawino iyo xuquuqda uu leeyahay.
App-kan ayaa degmadda laga bilaabay bishi jannayo luguna talo galay sannad tijaabo ah.

Alexander Rajsic oo ka hawlgala degmadda Järfälla ayaa sheegay in degmadani qaabishay qaxooti boqol dhaafsiisan halka sannadka aan ku jirno la filayo in in intaas leeki timaado degmada. Aad ayey ugu muhiim tahay in ay islamarkiiba bulshadda u soo galaan, waxaan hubaa app-kani ka caawin doono intaas ayuu hadalka ku soo gabagabeeyay Alexander Rajsic.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment