Wax Walbo Oo Aad Uga Baahan Tahay Inaad Ka Ogaatid Filimka Hichki Ee Rani Kusoo Laaban Doonto

Bulsha:- Boqorada asalka Bollywood-ka Rani Mukerji sanadii 2014 ayaa ugu dambeesay Bollywood-ka markaasna waxay sameesay filimkii guusha wacan gaaray Mardaani sidoo kalena oo ay abaal marinada kala duwan ku qaadatay.

Kadib Rani Mukerji waxay noqotay hooyo balse sedex sano kadib ayay soo laabatay xidigtaan waxayna dhawaan ka hawl gali doontaa filimkeeda cusub ee lagu magacaabo Hichki.

Filimka Hichki waxaa maal galin doonto shirkada Yash Raj Films oo uu madax u yahay Rani seygeeda Aditya Chopra sidoo kalena filimkaan waxaa Director ka ah Siddharth P Malhotra.

Filimka Hichki wuxuu ka hadli doonaa sheeko qiiro badan xambaarsan oo ku saabsan haweeneey dafiicnimo badan ka muuqato balse markii dambe qof karti badan isku badaleyso dadkana siweyn wax ula qeebsaneyso.

Rani waxay tiri “Waxaan baadi goob ugu jiray sheeko aan kusoo laabto sidaa darteed Hichki waa filim ku haboon soo laabashadeyda sidoo kalena dhamaan taageerayaasheeda ka heli doonaan fariintiisa”

“Qof walbo wuxuu leeyahay dafiicnimo u gaar ah hadii uu qofka cuuryaan yahay ama meel kale la’yahay waxaa wanaagsan inuu qofkaas karti isku yeelo dadkana wax la qeebsan karo”
Filimka Hichki waxaa Director ka ah Siddharth P Malhotra oo horey u sameeyay filimka We Are Family oo ay wada jileen Kajol, Kareena Kapoor iyo Arjun Rampal.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment